U bood dhigaalka

Qofkii ugu Horeeyey oo Soomaaliya ugu Geeriyoodey Coronavirus

Sheeko:Caafimaadka

Dr. Cabdirisaq Axmed Yuusuf u oo ah u qaabilsanaha tayada Daawada wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ahna sarkaal waasaaraddaas uga hadlo arrimaha Coronavirus ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in qofkii ugu horeeyey oo Coronavirus ugu geeriyoodey gudaha Soomaaliya.

Muwaadinkan oo ku geeriyoodey Isbitaalka Martiini ayaa shalay laga soo qaaday mid ka mid ah isbitaalada Muqdisho halkaas uu ku xanuunsaday.

Waa qofki ugu horeeyey ee cudurkan ugu geeriyoodey Soomaaliya, waxaa intaas dheer in aanu dibadda ka iman ee uu ahaa muwaadin dalka deggan.

Goobjoog News