U bood dhigaalka

Qofkii Ugu Horreeyay Ee Caabuqa Coronavirus Ugu Geeriyooday Afrika

Sheeko:Caalamka

Nin u dhashay Jarmalka oo ku sugnaa Masar kaddib markii uu ku dhacay caabuqa Corona ayaa haatan u geeriyooday cudurka, waxaana la sheegay inuu yahay qofkii ugu horreeyay ee uu cudurka ku dilo Afrika.

Ninkan oo 60 jir ah oo qaab dalxiis ah ku yimid Masar ayaa la geeyay isbitaal ku yaal Masar, wuxuu ka cabanayay ‘qando iyo xanuun dhanka neef mareenka ah’

Bukaanka ayaa geeriyooday markii uu diiday in lagu wareejiyo qeybta lagu karantiilo bukaanada.

Sabtidii, wasaaradda caafimaadka Masar waxay shaaca ka qaaday ilaa 45 qof oo ku dhacay caabuqa Corona kuwaas oo saarnaa markab, tirada kiisaska Corona gudaha Masar waxay noqoneysaa 48 qof.

Dadkii laga helay cudurka ee saarnaa markabka ayaa la karantiilay, waxaana la geeyay xarun ku taalla waqooyiga Masar.

Kiisaska la xaqiijiyay ee caabuqa Corona guud ahaan Afrika,

  • Masar- 48
  • Algeria- 17
  • Senegal- 4
  • Koonfur Afrika- 3
  • Morocco- 2
  • Cameroon- 2
  • Tunisia- 2
  • Togo- 1
  • Nigeria- 1
Goobjoog News