U bood dhigaalka

Aqoonyahanno Ka Digay Faragelinta Farmaajo Ee Doorashada

Sheeko:Amniga

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa mar kale dhaliyey dodo kadib markii saacadihii tagay uu dhaliilay ra’isul wasaare Rooble, kuna tilmaamay mid wedi waayey doorashada.

Haddaba, aqoonyahan la hadlay Goobjoog News ayaa waxaa ay qabaan in Farmaajo aanu xaq u laheyn faragelinta doorashada, isla markaana tilaabadan cusubuu xoog iyo boob ku doonayo.

Avv Axmed Kheyre oo Goobjoog News kala hadlay waxa ay arrinkan ka dhigan tahay waxaa uu sheegay in Farmaajo uu fowdo wado isaga oo yiri“ Farmaajo xaq uma laha faragelinta doorashada, go’aankii xalana waa mid lagu carqaladeynayo doorashada, dalka iyo dadkana fowdo lagu gelinayo, qofkii u maleeyo wax fiicanna waa ku hungoobi doonaa, waayo mar haddii xeydaabka sharaciga laga baxo sida dhacday wax kasta waa macquul”.

Dhankiisa, Prof. Xasan Sheekh oo isna qoraalka Farmaajo sharaxay ayaa waxaa uu sheegay “Farmaajo waa nooca madaxweyne ee ah in xukunka la kala xoogo, noocaas asal ahaan doorasho ma qabtaan, haddii ay qabtaanna, waa ama iney guuleystaan ama uu doorashada galo isaga oo 100% hubo inuu guuleysnayo, oo ay tahay ninka dooran doorta”.

Mar aan weydiinay sababta uu sidan u sameynayo waxaa uu yiri Xasan Sheekh “Waxaa uu Farmaajo arkay daciiftinimada Rooble, mowqif la’aanta midowga musharaxiinta iyo waxgaradka iyo ganacsatada Xamar oo aan ogeyn in xoolahooda lagu kor gorgortamayo ama lagu kor dagaalayo”.

Arrintan aqoonyahanka ayaa imaaneysa xilli, Farmaajo madaxweynihii hore uu qoraal ku sheegay in Ra’iisul Wasaaruha uu gudan waayay waajibaadkii loo igmaday ee ahaa hogaaminta doorasho ku dhisan Heshiiskii 17kii Sebtember 2020 iyo habraacyadii dhammeystirayay ee soo baxay 1-dii Oktobar 2020” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska madaxweynihii hore ee dalka.