U bood dhigaalka

Madaxweyne Qoorqoor oo Ka Warbixiyey Dadaalladiisa La Xiriirta Dhexdhexaadinta

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta ka sheekeeyey dadaallada uu ku bixiyey dhexdhexaadinta dowladda federaalka ah iyo maamullada kasoo horjeeda.

Madaxweynaha Gaumudug ayaa dhanka kale sheegay in maamulkiisa uu bixiyey dadaal, isaga oo yiri ” Waxaan rabaa inaan halkaan shacabka Soomaaliyeed iyo inta daneysa doorashada aan kula wadaado in dowlad goboleedka Galmudug ay samaysay dadaal weliba oo ku aadan sidii dalkan looga qaban lahaa hannaan doorasho oo heshiis lagu wado yahay si horay loogu sii wado dowlad dhisidda dimuquraadiyeenta dalka dalka Soomaaliya aanan laga dhumin waqti dambe dalka si ay uga dhacdo waqtigeedii dib u dhacna uusan usoo gelin” ayuu yiri

Madaxweynaha oo arrintaas ka hadlaayo ayaa yiri” Sida aad la wada socotaan waxaa socday wadahadallo arrimaha doorashooyinka  oo todobaadyadii la soo dhaafay safar aan ku tagay aan ku tagay magaalooyinka Gaalkacyo Garowe  iyo Muqdisho, si  la isugu soo dhoweeyo aragtiyada kala duwan sidii doorashooyinka dalka horay loogu sii wadi lahaa, aniga oo taas ka duulaya waxaa guiddiga doorashada heer federaal in ay muddo dib u dhigaan jadwalka doorashooyinka dalka si fursad loo siiyo xalinta tabashooyinka ay qabaan Puntland Jubbaland iyo siyaasiyiinta kale”.

Mar uu ka hadlayey shir jaraa’id uu ku qabtay xafiiska ra’isul wasaare Rooble ayaa waxaa uu yiri “Markii aan madaxda Puntland, Jubbaland iyo qeybaha kale aan asbuucii lasoo dhaafay ku shirnay magaalada Garowe, waxaa ay si sharaf leh ay iiga aqbaleen dhexdhexaadintii aan u istaagnay, waxaana ay ii soo dhiibeen qodobo sedex ah oo ay ka dalbanayaan madaxda dowladda federal iyo dhinacyada kale in ay fuliyaan si loosoo afjaro tabashooyinka ay ka qabaan arrimaha doorashooyinka”.

Qoorqoor oo sii hadlaya ” Kadib waxaan kusoo laabtay Muqdisho aniga oo shir la gaalay madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka mudane Maxamed Cabdullaajir Farmaajo iyo Ra’iisalwasaare mudane Maxamed Xuseen Rooble  intaas kadib waxaan dib ugu celiyey madaxweyne Siciid Deni,Madaxweyne Axmed Madoobe iyo dhinacyadii kale go’aannada madaxda federalka ee ku saabsanaa doorashooyinka si Space-a  hadda taagan looga dhaqaaqo dalkana ay uga dhacdo doorasho loo dhan yahay oo waqtigeeda ku qabsoonto, waxaan rabaa inaan halkaan ka cadaynayaa in aysan igu soo celin saaxiibadey madaxweyne Deni iyo madaxweyne, Axmed Madoobe iyo dhinacyadi kale dhexdhexaadintii aan halkaan u imid iyo tamaasulkii ay sameeyeen madaxda qaranka” .

Dowladda Soomaaliya oo go’aan ku gaartay in doorasho laga qabto maamul goboleedyada Hirshabelle, Galmudug iyo Koondur galbeed iyo gobolka Banaadir iyada oo aan la ogeyn jawaabta ay ka bixi doonaan Jubbaland iyo Puntland.

Goobjoog News