U bood dhigaalka

Qoraal Ka Dhan Ah Xeer Ilaaliyaha Iyo Hanti Dhowrka Guud Oo Loo Gudbiyay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Khadiijo-Max’ed-DiiriySii hayaha xilka Wasiirka wasaaradda Haweenka iyo xuquul insaanka Khadiijo Maxamed Diiriyr ayaa sheegtay in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ay u gudbisay dacwo ka dhan ah xeer ilaaliyaha iyo hanti dhowrka guud ee qaranka.

Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in wasaaraddu illaa hadda ay sugayso baaris ay sheegtay inay ku sameynayeen Xafiiska xeer ilaalinta iyo hanti dhowrka.

Waxa ay caddeysay in agaasimihii wasaaraddaasi Maxamed Cumar lagu soo sii daayay damaanad isla mar ahaantaana illaa iminka wax jawaab ah aysan ka helin xeer ilaalinta iyo hanti dhowrka oo ay ku eedeysay inay galeen xad-gudub.

Warqad qoraal ah ayay tilmaamtay inay u gudbisay Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid si wax looga qabto xarigii agaasimaha iyo fara-galin lagu sameeyay wasaaradda ay maamusho.

Dhawaan ayeey sheegtay in si KMG ah ay u hakisay shaqada xafiiska Wasaaradaasi, hase yeeshee shalay mar ay saxaafadda Muqdisho kula hadashay waxa ay cadeysay in dib ay ugu howlbilaabeen xafiiskooda ku dhex yaalay xarunta wasaaradda Warfaafinta halka maalmo badan ay KMG ugu shaqeynayeen mid ka mid ah Hoteelada ku yaala magaalada Muqdisho.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News