U bood dhigaalka

Qorayaasha Soomaaliyeed Ayaa Sheegay In Ay Muhiim Tahay In Buugaagta La Soo-saaro Ay helaan Tifaftir

Sheeko:Dalka

Jiilka hadda soo baxaya waxay falgal la sameynayaan aqriska iyo qorista buugaagta .

Meelaha uu sida xowliga ah uu qoraalka uga hano qaaday waxaa ka mid ah Magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Muqdisho waxaa ay marti-gelisay qorayaal ugub ah oo doonaya in isbedel ay ku sameeyaan aragtida ah in Soomaalida aysan waxba qorin.

In wax la qoro waa shaqo adag oo u baahan dulqaad iyo geesinimo marka qorayaasha ay doonayaan in ay soo daabacaan Buugaagtooda cusub, waxaa ay ka maraan dhib badan sidaas oo ay tahay waxaa ay Buugaagta u raadiyaan Faaf-reeb rasmi ah, kaas oo kordhinaya tayada Buugga.

Maxamed Xasan Shaaciye qoraa waxaa uu ka hadlayaa sida Buuggiisa loo mariyey Faaf-reeb  waxaa uuna yiri “Buuggan tafaftirkiisa waxaan la kaashaday dad badan maadaama aniga aan qoraalka ku cusubahay, maadaama aan soo saarayo Buug waa inaan raadiyaa dad badan oo iga caawiya dhanka Faaf-reebka, sidoo kale Tifaftirka Buugga waxaa gacan iga siiyay Akadeemiyadda Fanka iyo Suugaanta”.

Qorayaasha qaar ka mid ah Buugaagtooda waxay la kaashadaan aqoonyahannada,kuwaas oo qibrad bandan u leh soo saarista buugaag tayo leh sida ay sheegeyso Xaliimo Xasan Tacshiir oo qoraa ah.

“Dhibaatooyin badan  ayaa kala kulmay diyaarinta Buugga ugu dambeyn waxaan helay Abwaan ii saxo inta aan Buugga aan qorayay oo dhan wuu iga tifaf-tirayey “.

Akadeemiyadda Cilmiga Fanka iyo Suugaanta waxaa ay ka shaqeysaa faaf-reebidda Buugaagta la doonaya in la daabaco waxayna suuq-geysaa Buugga si uu u helo Suuq fiican, Guddoomiyaha Akadeemiyadda Cabadulqaadir Nuur Xuseen Maax ayaa ka hadlaya waxa ay qabato Akadeemiyadda.

“Waxay qabataa tifaftirka iyo Faaf-reebka Buugaagta la qoro Akadeemiyadda iyada ayaa mas’uul ka ah dhankaas, wax allaala wixii la qoro waa ay Tifaf-tirtaa afkii ku qoran waa ay Faaf-reebtaa iyo dhaqanka ku qornamba”.

Goobjoog News