U bood dhigaalka

Qormo: Hababka Loola Dagaallo Musuqmaasuqa Maamuleed

Sheeko:War

Musuqmaasuqa maamul iyo kan lacageed, waa dhaqan daashaday fagaaraha siyaasadda iyo nolasha bulshada Soomaaliyeed, ilaa uu ka mid noqday tiir ka mid ah tiirrarka nolasheenna.

Musuqmaasuqu,  wuxuu jilbaha dhulka u dhigay hannaankii dawladnimo ee aan ku taamaynay in mudda ah. Wuxuu wiiqay waaxyihiin nolasha siyaasadeed iyo midda maamul. Maanta dal iyo debadba waxaan la hitinaynaa wax aan gacmaheenna ku falkinno, gabbal dhacay iyo waabari kasta. Labo is kuma haysato in musuqu naafeeyay dhinac kasta oo ka mid ah dawladda iyo bulshadeenna Soomaaliyeed.

Haddaba, waxaan is ku dayaa in aan ku soo bandhiggo qormadaan, qaababka looga hortagi karo musuqmaamsuqa, aniga oo kaashanaya dhiganayaal cilmiyeed fara badan oo laga qoray mawduucaan. Waxaa laga ma maarmaan ah in aan ku dhaqaaqno tillaabooyinka soo socoda, waa haddii ay naga go’an tahay in aan ciribtirno musuqmaasuqa, xididdadana u siibno, inta uusan noogu faafin sida dab xaabo la qabadsiiyay.

Isxisaabin: Dhammaan shaqsiyaadka xilalka sare ka haya dawladda ama xukuumadda, waa in la hoos geeyaa weydiin qaynuuni ah iyo mid anshaxba, taas oo la xariirta waxqabadkooda, micnaha shaqaalaha oo idil waa in lala xisaabtamo, iyada oo looga hibaysanayn xilka uu hayo iyo ina-ayihiisa. Arrin taas waxaa soo hoos galaya wasiirro, xildhibaanno, saraakiil, ku-xigeenno, iyo guud ahaan qof kasta oo xil qaran haya.

Isweydiin Joogta Ah: In maamulayaasha hay’adaha dawladda ay weydiiyaan shaqaalaha guud sida ay hawsha u wadaan, waxii qarashaad baxay, mirihii wax qabadkooda, isla maamulayaashaasna waa in ay jirtaa cid isha ku haysa, oo ay ka baqayaan, sida guddiyada dabaggala musuqa iyo lunsiga hantida dadweynaha, kuwaas oo ka imaan kara Golaha Sharci Dajinta ama Golaha Sharci Fulinta, si loo helo wax isweydiin fool-ka-fool ah, waliba dhinac walba, meeshana ay uga baxaan danaha shaqsiga ah ee xafiisyada maasheeyey.

Hufnaan: Hufnaantu waa in hay’ad kasta oo ka mid ah dawladda shaaca ka qaaddo waxa ay u danleedahay, tillaabooyinka ay qaaddayso iyo yoolka ay u xusulduubayso, micnaha haddii aan si kalo u dhigno in ay run ka sheegto wax kasta oo ay qabanayso, baahiso qaladaadkeeda, oo ay qirato, meg iyo maamul wanaagna ay muujiso, niyad wanaagna ay tusto bulshada, oo waxba aan la qarin, dadkana xogta loo sheeggo, si bulshadu ugu qanacdo waxa loo qabanayo iyo waxa loogu maqanyahay, oo aan laga dhigin xafiisyada dawladda meel arrimo gaar ah lagu fuliyo iyo si ay meesha ka baxdo in xafiisyada hawlaha guud qabta iyo dadweynaha ay u dhexeeyaan dallaallo iyo laaluush qaatayaal sumacadda iyo muuqaalka dawladnimo dilaya, shacabkana dhiigmiirta.

Baraarug Bulsho: Si loo helo talis qumman iyo maamul xalaal miirad ah, loo na kobciyo garadka qofka u shaqeeya dawladda, waxaa lama huraan ah in la helo dhaqan iyo baraarujin ku saabsan xumaanta uu leeyahay musuqmaasuqu. Tillaabadani waaxay lafdhabar u tahay qodobbada aan kor ku soo xusnay. Waxay soo kabi kartaa kalsoonida muwaaddiniinta ee burburtay, waxay horseedi kartaa in uu soo afjarmo musuqmaasuqa, maahsanaanta, iyo sedbursiga buux dhaafiyay meel waliba. Haddii ay ahaan lahayd xafiisyada sida gaarka ah loo leeyahay iyo kuwa guud, hay’addaha xukuumadda iyo kuwa kale ee aan dawliga ahayn, balse, uu kala dhaxayso wadashaqayn toos ah xawiisyada waaweyn ee dawladda.

Nidaam Demoqoraadiya: Si ay u taabbagalaan dhammaan waxyaabihii aan soo sheegnay, waxaa muhiim ah in la helo nidaam demoqoraadiya, kaas oo kala saaraya awoodaha is ku dhex milqan, sida, Sharci Dajinta, Fulinta iyo in la helo qanuun qayaxan oo qabanaya qof alle iyo qofkii lagu helo musuqmaasuq, oo si toos ah loola tiigsado Garsoorka. In qofkii ay ku caddaato arrinkaas, shaqada laga eryo. In uu xil qaran qaban karin ilaa iyo in mudda ah. Waa in uu jiraa hannaan nuucaas ah, oo aan fasir iyo rogrogid kale aqbalayn, lama taabtaanna ah.

Hirgalinta Qawaaniinta: Waan in la dardargaliyaa xeerarka ku saabsan musuqmaasuqa iyo ciqaabtooda, sida in la helo qaanuun caddeynaya in qofka xilka ka qabanaya xukuumadda ama dawladda la og yahay hantidiisa, ka hor inta uusan xil qaran qaban. In sannad kasta waxa soo gala la shaaciyo. In waasarad kasta boggeeda ku caddeyso waxa soo gala mas’uuliyiinteeda. In la helo qaanuun mamnuucaya laaluushka iyo in loo ga faa’iidaysto awoodda maamul, si aan sharciga waafaqsanayn, taasna waxay ku imaan kartaa in awood buuxda la siiyo Garsoorka Sare, lagana daayo faragalinta siyaasadeed iyo midda beeleedba.

Anshax Guud: Si loo dhiso wacyiga qofka shaqaalaha ah ama mas’uulka ah, waxaa loo baahanyaahy in loo adeegsado wax kasta oo jilcin kara qalbigiisa, sida wacdiga diiniga ah, oo tusaya xumaanta waxa uu ku kacayo, taana waa in loo maraa xagga Horjooggayaasha Diinta Islaamka , sida in khudbaddaha Jimcada lagu soo bandhiggo toddobaad kasta, in goobaha diiniga ah lagu faafiyo ololaha lagu la dagaallamayo musuqa.

Warbaahin Xor Ah: Si loo helo warbixinnada rasmiga ah iyo dabagallo qoto dheer oo la xariira musuqa ka dhex dhaca laamaha dawladda, waxaa muhiim ah in aan helno saxaafad xor u ah helidda macluumaadka. Waa in ay sharciyeysantahay saxafaddu, misana heysato ilaalin qaynuuniya oo ka difaacaysa handadaadda joogtada ah iyo cagajuglaynta, inta ay ku gudajirto shaqadeeda. Taasi waxay u gogalxaaraysaa in la helo xog buuxda, oo ku saabsan qaabka wax u jiraan.

Gunaanad, Waxaan filaa in haddii aan qodobbadaas xil is ka saarno, wax uun is beddelayaan, waana wax maalin uun maal iyo maskax nooga baahan doona, laga yaabo in ay qaarkeen dhagjalaq u siineyn hadda, balse, waxaa imaan doonta maalin aan shallaynayno iyada oo la jooggin xilli la shallaayo.

WQ: Cabdicasiis Maxamed Shidane

Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan

Si, Goobjoog News u soo daabacdo fakirkaaga…..fadlan ku soo dir; [email protected]

Xulka:

+Akhriso:  Khilaafka Kasoo Cusboonaaday Golaha Shacabka

Goobjoog News