U bood dhigaalka

Qormo: Xamar Waa Xir-Xiran Tahay

Sheeko:War

Ayadoo maalmihii ciidul fidriga ay foodda nagu soo hayaan dadku kuu ku jiro diyaargarowgii maalmahaas farxadeed ayaa dhanka kale waxaa magaalada ka socda hawl galo ammaanka lagu sugayo sida ay sheegeen ciidamadda ammaanka.

Hawl galkaan ayaa ku billowday ciidamado badan oo magaalada lagu soo daadshay kuwaas oo loogu magac daray Ciidamada Xasilinta caasimadda oo taagnaa inta badan laamiyada magaalada Muqdisho iyo xaafada qaar waxaana la arkayay ayagoo baaraya dhammaan baabuurta waddooyinkaas marayay.

Bartilmaameedka ugu weyn ee ciidamadaas wuxuu ahaa hubka sharci darrada ah ee magaalada dhex socda iyo dadka mas’uuliyiinta ah ee wata hubka xad dhaafka ah waxay kaloo baaritaan ku samaynayeen xaafadaha qaar ayaga oo ku soo qabtay hub ay sheegeen in dad ku haysteen si sharci darro ah.

Ayadoo inta badan dadku ay la dhacsanaayeen baaritaanadaas ayna soo dhawaynayeen oo waliba dadka qaar ay baraha bulshada ku soo qorayeen in hubkii la qaaday haddana loo soo jeesan doono middiyaha iyo baangadaha ayaa waxaa 14kii bishan la qarxiyay maqaaxida Pizza House oo ay ku dhinteen dad fara badan oo shacab ah.

Qaraxaas kadib kulan ay sheeyeen ciidamada ammaanka ayaa laysku raacay in lala yimaado qaabab cusub oo ammaanka wax looga qabanayo maadaama baaritaankii qarax looga hor tagi waayay waxaana lala yimid fikrad ah in waddooyinka jid caddeyaasha ah ee laamiyada ka leexda lagu xiro carro iyo dhagaxaan.

Taasi waxay keentay dhammaan baabuurtii mari jirtay jid caddeyaasha inay isugu yimaadaan laamiyada waxayna safaf dhaareer ugu jiraan baaritaanada ka socda waddooyinka waxaana soo kordhay ciriiri badan oo aan horey uga jirin magaalada.

Dadka  baabuurta raaxada ku watay magaalada muqdisho waxay dhibaato weyn ku qabaan marinkii xaafadahooda oo laga xiray waxayna safar dheer usoo marayaan xaafadahooda oo laga yaabo inay guriga labaad ama sadexaad ka tahay laamiga laakiin dhagxaanta lagu xiray ay ku kaliftay inay kazoo wareegaan xaafado kale oo aan la xirin.

Dhammaan qorsheyaashaas cusub hadday miro dhal noqdaan qaraxyadana laga hor tago waa hawl fiican waana wax qabad fiican laakiin dadkii shacabka ahaa ee adeegga ciida doonan lahaa haddii waddooyinkii lagu dhibo weeraradii iyo qaraxyadiina wax iska badalin waayaan waa xoog ciidamada ammaanka ka qasaaray iyo dhibaato kusoo korortay shacabka magaalada.

Doorashii madaxweyne Farmaajo kadib waxaa la filaayay in aan waddo dambe shacabka laga xirin  waaxayna ka mid ahayd ballamo dhawr ah oo uu galay markuu tartanka doorashada ku jiray laakiin waxaa la kala fahmi la’yahay inay ahayd olole doorasho iyo in ay dhab ka ahayd laakiin waxaa madaxweynaha laga sugayaa in uu dadka la hadlo una sheego sababaha waddada looga xiray raali galina uu siiyo si kalsoonida shacabku usii jirto una dareemaan in xaalkooda laga warqabo.

W/Q: Maxamed Deeq Taako.