U bood dhigaalka

Qorshaha Dib Loogu Soo Celinayo Bilicda Magaalada Baladweyne Oo Lasoo Dhaweeyay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

BaladweynMas’uuliyiinta maamulka Gobalka Hiiraan iyo mas’uuliyiin ka socotay wasaaradda maaliyadda xukuumada Soomaaliya ayaa dhawaan waxa ay dhagax dhigeen dhismayaal danta guud ah oo la doonayo in dib loo dayactiro.

Qaar ka mid ah gudoomiyaasha xaafadaha ee magaalada Baladweyne ayaa soo dhaweeyay arintaan dib u habeynta ah, waxaana ay sheegeen in ay tahay tani mid dib usoo celinaysa bilicdii lagu yaqaanay magaalada Baladweyne.

Xaamud Cali Sagaar waa gudoomiyaha Xaafadda Xaawo Taako ee Magaalada Baladweyne, waxaana uu soo dhaweeyay qorsheyaasha ay wadaan maamulka gobalka iyo wasaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka, waxaana uu sheegay in ay la shaqeyn doonaan ka gudoomiyeyaal ahaan.

“Aad ayaan uga mahadcelinaynaa maamulka gobalka iyo sidoo kale guud ahaan dowladda Federaalka, anaga waxaan diyaar u nahay inaan ka qeyb qaadano dhismaha naloo bilaabayo, in suuq aan helno iyo guud ahaan in magaalada la qurxiyo waa wax aynu ku faraxsanahay, waxaan u sheegaynaa in ay amaan tahay” ayuu yiri Xaamud Cali Sagaar

Dhanka kale gudoomiyaha gobalka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Baladweyne in ay ka faa’ideestaan mashruucyadaan la doonayo in dib u dhiska loogu sameeyo magaalada Baladweyne, aadna looga shaqeeyo nabadda.

Halkaan Hoose ka dhageyso

Goobjoog News