U bood dhigaalka

Qorshaha Guulwade ee Ciidamadda Xoogga Dalka oo Gaarsiiyey Gaalkacayo

Sheeko:Dalka

Wafti uu hoggaaminayo sareeyo guuto Cabdullaahi Cali Caanood, taliyaha qeybta 21-aad ee ciidamadda xoogga dalka ayaa booqdey xerooyin ciidamo oo ku yaala magaalada Gaalkacayo , isaga oo u kuurgalaya sidii ciidamadda xoogga dalka looga qori lahaa Galmudug

Taliyaha ayaa sheegey in iyada oo laga duulayo qorshaha loogu magac daray Guulwade in la qorayo ciidamo badan “Waxaa la guddoonsaday in la diyaariyo si degdeg ah ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed, oo la qoro in ka badan 3 kun, iyada oo loo marayo maamulada heer gobol, heer degmo iyo heer beeleed, dad wanaagsan oo xul ah si loo helo, dibna loo helo jiritaanka ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo xaqiijiya amniga xuduudaha dalka dhul, bad iyo cirba oo hadda cadaw badan uu ka faa’iideystey, waxaa la diyaariyey barnaamij loogu magac daray Guulwade oo ay ka qeybgashay beesha caalamka”.

Ciidamadii horey u jirey ee kala taabacsanaa maamulada Galmudug , Ximan iyo Xeeb iyo Waliba Ahlu Sunna ayuu ka yiri “Intaasi waxaa weheliya ciidankii dowlad goboleedka iyo kuwa hadda la qorayo ee Galmudug iyo ciidankii hore ee Ximan iyo Xeeb iyo Ahlu Sunna, sidoodii ayay ku shaqayn doonaan iyaga oo noqon doona booliiska iyo daraawiishta, tababarana waa la siin doonaa “.

Dowladda federaalka ayaa sidan oo kale ciidamo ka qortey maamul goboleedyada qaar sida Jubbaland oo kale.

Goobjoog News