U bood dhigaalka

Qorshe Howleedka Guddiyada Golaha Shacabka Oo La Akhriyay

Sheeko:Baarlamaanka

Kulanka golaha shacabka ee maanta waxaa uu ajendihiisa ahaa qeybinta iyo akhrinta Qorshe howleedka guddiyada Golaha Shacabka.

Guddi walba waxaa uu golaha ka hor jeediyay qorshe hawleedka golaha loo qeybiyay iyo qeybta  guddigiisa ka quseysa.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari,  ayaa sheegay in maadaamaa kalfadhigii koowaad Mudanayaasha golaha shacabka uu uga dhammaaday dhisida hay’addaha dowladda ay guddiyada joogtada ah kalfadhigan dadaal geliyeen sameynta qorshayaashii ay ku howlgeli lahaayeen.

Dhinaca kale, Jawaari ayaa ka hadlay dhibaatooyinka dhalinyaradda Soomaaliyeed ku heysato dalka Liibiya oo ah marinka dhalinyaro badan oo tahriibayaal ah ka dib soo jeedin ay guddoonka golaha u soo gudbiyeen xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ,wuxuuna sheegay in guddiga arrimaha dibada ee Golaha Shacabka looga fadhiyo in ay keenaan qorshe dhalinyarada Soomaaliyeed dhibaatada dalalka dibada  ku heysto looga soo badbaadinayo.

Goobjoog News