U bood dhigaalka

Qoysas Abaar Uga Barakacay Deegaanno Ka Tirsan Galmudug

Sheeko:Dalka

Guddiga abaaraha Galmudug ayaa sheegay iney jiraan qoysas badan oo abaar darteed uga barakacay deegaannada uu maamulkaasi ka arrimiyo, islamarkaana gaarey deegaanno kale oo ka tirsan Hirshabelle.

Gudoomiyaha guddigaasi ahna wasiirka gargaarka iyo Bani’aadannimada Galmudug Shire Xirsi Maxamuud oo u waramey Goobjoog News, waxa uu sheegay in ka guddi ahaan ay dedaal badan ku bixiyeen sidii dadka abaarta hayso wax loogu qaban lahaa.

Waxa uu sheegay wasiirka in beesha Caalamka, dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha Samofalka ah ay ugu qeylo qaadeen sidii wax loogu qaban lahaa dadka abaarta ku hayso deegaannada Galmudug.

Inkastoo aanu jirin gurmad xooggan, hadane wasiir Xirsi waxa uu sheegay in ka guddi ahaan ay ku dedaalayaan sidii shacabka abaarta hayso loogu gurman lahaa.

Ugu Dambeyn guddoomiyaha guddiga abaaraha Galmudug, ahna wasiirka wasiirka gargaarka iyo Bani’aadannimada ee maamulkaasi ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo cid walba oo wax awoodda iney kaalin ka qaataan u gurmashada dadka abaarta hayso.

Deegaanno badan oo kamid ah gobollada dalka waxaa ka jira abaar saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada, iyadoo weli dadku aaney helin gurmad.

Goobjoog News