U bood dhigaalka

Qoysas Abaar Uga Soo Barakacay Baay Iyo Sh/hoose Oo Soo Gaarey Duleedka Muqdisho

Sheeko:Dalka

Kumanaan ruux oo kasoo barakacay abaaraha ka jira gobollada Baay Iyo Shabellaha Hoose ayaa maanta soo gaaray deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Axmed Cali Garyare, guddoomiyaha Garasbaaley oo goor dhow u waramay Goobjoog News, waxa uu sheegay in dadka ay ka muuqato xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in dadkaan aysan haysan hoy, biyo, Cunta iyo sidoo kale wax walbo oo nolosha u muhiim ah.

“Dadka nasoo gaaray waa kuwo aad u liita, biyo dhaamin ayaan u sameynay, xaafadaha ayaan u galnay si bal nafta loogu celiyo, dadka Kumanaan bay gaarayaan, annagana wax walbo oo aan qaban karno kama hagran” sidaasi waxaa yiri guddoomiyaha Garasbaaley.

Dhanka kale guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulkooda kulan degdeg ah oo ay isugu yimaadeen ay kaga arrinsadeen sidii loo sugi lahaa amniga guud ee dadkaasi maadaama ay meel bannaan ah hadda deggan yihiin.

Abaarta ka jirta gobollada dalka ayaa saameysay dadka iyo duunyada, waxayna dadka u baahan yihiin gurmad dhan walbo leh.

Goobjoog News