U bood dhigaalka

Qoysas Abaaruhu Barakiyeen Oo Gaalkacyo Gaaray

Sheeko:Dalka

Iyadoo abaaraha ka jira degaannada gobolka Mudug ay ka sii dareyso maalinba maalinta xigta ayaa waxaa saameyn adag ay ku yeelatay kumanaan qoys.

Dadkani oo ay saameyn ballaaran ku yeelatay abaaraha ayaa ah kuwa ceyr ah oo xoolahooda baaba’isay islamarkaana iyagoo fara maran iminka soo gaaraya magaalooyinka gobolka Mudug.

Boqolaal dadkaasi kamid ah ayaa saacadihii la soo dhaafay gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi, waxaana ay sheegeen in saameyn aan yareyn ay ku yeelatay abaarta daba dheeraatay iyo roob la’aanta oo sababay in xoolo badan oo ay lahaayeen ay harraad u la’daan.

“Waxaan ka soo barakacnay degmada Saax Qurun ee gobolka Mudug waxaana u sheegeynaa adduunweynaha, dadka Soomaaliyeed, dowladda iyo maamulka Galmudug inaan u baahannahay caawinaad sida raashin iyo biyo, waxaa lahayn xoolo dad xoolo dhaqato ah ayaa ahayn, way naga bakhtiyeen, anigu waxaan kamid ah meel la yiraahdo Ceeljaaji xoolihii waa na dhaafeen, meeshanna waan ku dhibaateysannahay oo wax aan cabno xataa ma heli karayno walaalo” ayay yiraahdeen qaar kamid ah dadkani oo la hadlay Goobjoog News.

Qoysaskani ayaa ku sugan xaalado dhanka nolosha ah oo aad u adag waxaana ka muuqata diif oo markaad aragto aad ka daqnanayso islamarkaana u baahan in gargaar beni’aadanimo oo degdeg ah in la gaarsiiyo.

Dhinaca kale, waxaa qoysaskani saameyn ku yeeshay colaadaha u dhaxeeya maamullada Galmudug iyo Puntland oo magaaladaasi Gaalkacyo ka jira kuwaasoo ugu sii darsamay dhibaatadii wax la’aaneyd oo ay degaannadooda uga yimaadeen.

Magaalada Gaalkacyo ayaa muddooyinkii dambe waxaa ku sii qulqulayay qoysas ka soo hayaamay degaannada ay abaaraha ka jiraan ee gobolka Mudug iyo dhulka miyiga ah ee fog fog kuwaasoo xoolahooda ay abaartu ka baabi’isay.

Dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedka Galmudug ayaa looga fadhiyaa in dadkaasi ku tacdareysan magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan dadka abaaruhu ku halakeeyeen degaannada gobolka Mudug inay gurmad aadanimo ay gaarsiiyaan oo weli degdeg ah inta aanay dhicin xaalado kale.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada