U bood dhigaalka

Qoysas Horleh Oo Kasoo Barakacay Deegaanka Jannaale Ee Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya deegaanka Jannaale ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in qoysas horleh ay kasoo barakaceen deegaankaasi, kadib dagaallo halkaasi ku dhexmaray ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

Wariyaha Goobjoog ee Sh/hoose Muuse Cabaas ayaa soo sheegaya in dadka kasoo barakacay Jannaale ay kala aadeen magaalooyinka Muqdisho, Marka iyo Afgooye.

In ka badan 20 qoys ayaa gelinkii dambe ee shalay waxay soo gaareen degmada Afgooye, kuwaasi oo ay ka muuqatay xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

Dadka soo barakacay ayaa kuu sheegaya iney u adkeysan waayeen abaabulka ciidan ee ay kala wadaan dowladda Federaalka iyo Al-shabaab, iyo sidoo kale dagaallo ka dhaca deegaankaasi.

Todobaadkii tagey dagaal u dhaxeeyey ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Jannaale ee Shabellaha Hoose, waxaana dagaalladaasi ay geysteen khasaare kala duwan.

Goobjoog News