U bood dhigaalka

Qoysas Ka Barakacay Abaaraha Bakool Oo Gaaray Luuq, Gedo

Sheeko:Dalka

Qoysas gaaraya 860, kana barakacay abaaraha ka jira deegaanno kamid ah  Bakool ayaa lagu soo waramayaa iney gaareen degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Iyadoo ay ka sii dareyso abaarta ku dhufatay deegaanno kamid ah gobolka Gedo iyo roobabkii  xilliga gu’a ay yaraadeen ayaa waxay taasi keentay in dad badan ay ka barakacaan deegaannadii ay ku noolaayeen.

Aadan Deeq Ibraahi, waa guddoomiyaha guddi ay leeyihiin dadkaan barakacayaasha ah ee ku sugan degmada Luuq, waxa uu Goobjoog News u sheegay in dadkan la dejiyey 4 xero oo ku yaalla degmadaasi, ayna u baahan yihiin gurmad bini’aadannimo.

“Dadkaab soo barakacay waxay isugu jiraan Xoolo dhaqato iyo beeraley, abaartii ayaa saameysay, roobka xilli gu’a sidi la rabay looma helin, hadda waxay miciin bideen in noloshooda ay badbaadsadaan, waxaana ay u baahan yihiin gurmad dhan walbo leh” ayuu yiri Aadan.

Abaarta ka jirta dalka ayaa guud ahaan saameysay dadka beeraleyda iyo xoolo dhaqatada ah, waxaana jira deegaanno badan oo laga barakacay.

Goobjoog News