U bood dhigaalka

Qoysas Ka Barakacay Baay Oo Gaaray Gedo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Ku dhowaad Seddex Boqol oo qoys oo ah Beeraley wax soosaarkii ay ku tiirsanaayeen ay ragaadiyeen Roob yaraan ayaa waxay kasoo kala barakaceen deegaanno hoostaga degmooyinka Bardaale iyo Qansaxdheere ee Gobolka Baay, kuwaasi oo maalmihii ugu dambeeyey gaarey degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo sida Goobjoog u xaqiijiyeen xubno ka tirsan Guddiga xeryaha barakacayasha ee Buurdhuubo.

Cabdulaahi Rashiid waxaa uu ka mid yahay Guddi ay leeyihiin dadka Barakacayaasha ee deggan duleedka Buurdhuubo, wuxuuna sheegay tan iyo bilowgii bishan January in degmada ay soo gaareen Qoysas barakacayaal hor leh oo ka kala yimid degaanno ka kala tirsan gobolka Baay, isagoo sheegayna qoysaskaasi oo tiradoodu ay gaareyso ilaa 300 qoys in ay Qaarkood dejiyeen ilaa 4 xero oo ku yaalla duleedka degmada.

Sababaha qoysaskani ay ugu soo barakaceen deegannaadooda ayuu sheegay beerihii ay ku tiirsaneyd noloshooda oo baaqdey roob yaraan darteed, taasi oo keentay in ay nolosho ay ku adkaato kadibna ay maciin bidaan xeryaha Barakacayaasha.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News