U bood dhigaalka

Qoysas Ka Barakacay Dagaallo Ka Dhacay Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Shacab badan oo ku dhaqnaa deegaanka Muuri ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa billaabey in deegaankaasi ay isaga barakacaan kadib dagaallo kusoo noqnoqday halkaasi.

Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa habeenadii ugu dambeeyay xoojiyey weerarada ka dhanka ah ciidanka dowladda ee ku sugan deegaankaasi, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Dadka ka barakacay deegaanka Muuri ayaa meelaha ay tageen waxaa kamid ah deegaanka Lambar 50 ee Shabellaha Hoose.

Dagaallada ka dhacay Muuri waxaa la sheegay iney ku gubteen guryo badan oo ku yaalla deegaankaasi, waxaana sidoo kale halkaasi ku basbeelay xarumo ganacsi.

Cali Nuur Axmed, waa guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee maamulka deegaanka Lambar 50 ee Shabellaha Hoose, waxa uu Goobjoog News u sheegay in dadkii kasoo barakacay deegaanka Muuri ay hadda hayso xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

“Dadkan markii ay u adkeysan waayeen dagaallada Muuri waa ay soo barakaceen, waa qoysas badan, deegaanka wax ku haray malahan, markii ay yimaadeen Lambar 50 xaalado kala duwan baa qabsaday, roob baa dushooda ku da’ay, sidoo kale ma haystaan wax ay cunaan iyo meel ay ku hoydaan intaba” ayuu yiri Cali Nuur.

Ugu dambeyn guddoomiye ku xigeenka deegaanka Lambar 50 ayaa ugu baaqay hay’adaha samofalka ah, dowladda Federaalka iyo cid walbo oo taakuleyn awoodda in dadkaasi ay lasoo gaaraan gurmad degdeg ah.

Deegaanka Muuri ee gobolka Shabellaha Hoose, ayaa ah mid haawanaya, waxaana ka barakacay inta badan dadka ku dhaqnaa deegaankaasi.

Goobjoog News