U bood dhigaalka

Qoysas Kasoo Barakacay Abaaraha Oo Gaarey Kismaayo

Sheeko:Dalka

Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose, waxaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay gaaray qoysas badan oo kasoo barakacay abaaraha dalka ka jira, gaar ahaan gobolka Jubada Hoose.

Qoysaskan oo tiradoodu gaareyso 300, ayaa la sheegayaa iney ahaayeen xoolo dhaqto iyo sidoo kale beeraley ku sugnaa deegaanno ku dhow Kismaayo, hase ahaatee abaarta dalka ka jirta ay saameysay.

Maxamed Sheekh Abukar, Guddoomiyaha barakacayaasha Kismaayo ayaa u sheegay warbaahinta in xaalad qatar ah ay ku sugan yihiin dadkan soo gaarey magaalada Kismaayo.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in dadkaan ay soo dul dageen dad kale oo iyaguba barakac ku ahaa Kismaayo, islamarkaana xaalad nolol xumo ay halkaasi ku haysatay.

Maamulka magaalada Kismaayo ayaa marar badan sheegay in xaddiga dadka barakacayaasha ah ee soo gaaraya magaaladaasi ay yihiin kuwo aad u badan, islamarkaana maamulkooda aanu dhammaan dadkaasi gar gaar u hayn.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan gobollada dalka ee abaarta daran ka jirta ayaa u baahan in lala gaaro gurmad dhan walbo leh isugu jira.

Goobjoog News