U bood dhigaalka

Qoysas Kasoo Barakacay Abaaraha Oo Soo Gaaray Baydhabo

Sheeko:Dalka

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa soo gaaray qoysas hor leh oo kasoo barakacay deegaanno mid ah gobolkaasi, kadib markii ay saameysay abaarta.

Qoysaskaan oo Labadii maalin ee lasoo dhaafay kusoo biirayey barakacayaasha ku dhaqan Baydhabo ayaa tiro ahaan ka badan 100, waxaana haysa xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

Faadumo Mursal waa 50 sano jir haysata 10 carruur ah, 5  kamid ah ayeey sheegtay inuu dhintey aabahood, islamarkaana ay lug uga yimaadeen deegaannadii ay ku noolaayeen kadib abaarta oo saameysay.

“Beeraley ayaan ahayn, Afar sano ayaan ku sabreynay halka aan ku sugneyn, abaartii ayaa hadda aad inoo saameysay, carruurteenna waan kala soo baxnay, hadda sidaad aragtaanba waxaan u baahannahay gurmad degdeg ah”

Aabe Maxamed, waxa uu isna dushisa kusoo qaaday Labo carruur ah oo uu dhalay, wuxuuna soo socday Labo maalin, isaga oo laga dareemayo xaaladda adag ee uu soo maray ayuu dowladda ugu baaqay iney gurmad lasoo gaarto.

“Dowladda Soomaaliya waxaan ugu baaqeynaa iney gurmad nala soo gaaarto, beerihii aan ku tiirsaneyn Afar Sano lama tabcin, xaaladdeena meel adag ayeey mareysaa, sidoo kalena dadka Soomaaliyeed waxaan leenahay noo soo gurmada”

Magaalada Baydhabo waxaa ku sugan qoysas badan oo kasoo barakacay abaaraha ka jira Baay iyo Bakool, kuwaasi oo u baahan gurmad dhan walbo leh.

Goobjoog News