U bood dhigaalka

Qoysas Kasoo Barakacay Dagaallada Sh/hoose Oo Soo Gaaray Garasbaaley

Sheeko:Dalka

Qoysasy hor leh oo kasoo barakacay dagaallada kusoo noqnoqday gobolka Shabellaha Hoose, una dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab ayaa soo gaaray deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho.

In ka badan 500 qoys ayaa soo gaaray deegaankaan, waxaana ay ku biireen barakacayaashii horey halkaasi ugu sugnaa.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee maamulka Garasbaaley, C/laahi Cabdi oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in dadkaan ay ka muuqato xaalad adag una baahan yihiin gurmad degdeg ah.

“500 qoys ayaa soo gaaray Garasbaaley, waxaana shalay oo ugu dambeysay yimid 200 qoys, ma haystaan meel ay degaan, kaliya waxay ku biireen barakacayaasha ku sugan deegaanka, waxayna dadka u baahan yihiin gurmad degdeg ah” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.

Dhanka kale C/laahi Cabdi ayaa ka codsaday maamulka Gobolka Banaadir in gurmad degdeg ah u fidiyaan qoysaska Soomaaliyeed ee kusoo barakacay  Garasbaaley.

Dagaallada ka dhacay Sh/hoose ayaa saamaayey  shacab badan oo Soomaaaliyeed, waxayna dadka kasoo carareen deegaannadii ay ku noolaayeen.

Goobjoog News