U bood dhigaalka

Qoysas Kasoo Barakacay Dagaallo Ka Socda Galgaduud Oo Soo Gaaray Gobolka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha degaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan Xasan Makaraan Xasan (Barre) ayaa ka hadlay ku dhowaad 300 oo qoys oo ka soo barakacay sida uu sheegay degaanno ka tirsan gobolka Galgaduud, bartamaha Soomaaliya.

Wuxuu sheegay guddoomiyaha Xasan Makaraan in dadkani ay ka soo barakaceen degaannadii ugu dambeeyay oo ay dagaalladu ka dhaceen dhowaanahani.

Degaannadaasi oo ku yaalla dhanka bari ee gobolka Galgaduud waxaa kamid ah Galcad halkaas oo dadkani ay deganaayeen.

Ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ee Itoobiya iyo Xarakada Alshabaab ayaa ku dagaallamay degaannadaasi.

“Degaanka Moqokori waxaa soo gaaray 300 oo qoys oo aan waxba heysan waxayna ka soo barakaceen Budbud iyo Galcad waxayna ku soo barakaceen degaankani Moqokori, waxaana dadkaan saameeyay colaadaha gobolka Galgaduud ka jira” ayuu yiri guddoomiyaha Moqokori.

“Dowladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Hiiraan waxaan u direynaa farriin ah in dadkaani lala soo gaaro gurmad beni’aadanimo, waxyaabaha ugu daran waxaa kamid ah nolosha iyo caafimaadka” ayuu yiri guddoomiyaha Moqokori Xasan Makaraan.

Degaanka Moqokori ayaa ka tirsan degaannada gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya waxaana hadda degaansanaya qoysas  fara badan kuwaas oo ka soo hayaamay colaado ka jira gobolka Galgaduud oo la deris ah Hiiraan.

Goobjoog News