U bood dhigaalka

Qoysas Ku Barakacay Degmada Luuq Oo Ka Cabanaya Xaalad Dhanka Nolosha Ah

Sheeko:Dalka

In ka badan ilaa Boqol qoys  ayaa ka barakacay  dagaallo ka dhacay Tuulada Bohol Bashiir oo ka tirsan degmada Luuq ee Gobolka Gedo, kuwaasi oo lasoo sheegayo in ay soo wajahday xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

Dagaalka ayaa yimid ,kadib markii Kolonyo ka tirsan Ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM oo marayey wadadaasi kuna sii jeeda dhinaca magaalada Baydhabo ay jidka u galeen Al-shabaab, islamarkaana weerar culus ku qaadey.

Aadan Ismaaciil  oo ah Guddoomiyaha Xeryaha Barakacayaasha  ayaa Goobjoog u sheegay  in dadka rayidka ah ee dagaalkaas ka barakacay ay tiro ahaan gaarayaan 170  qoys, balse Luuq ay soo gaareen ilaa Lixdan
Qoys.

Waxa uu sheegay Aadan in dadkan u baahan yihiin gurmad bini’aadannimo oo degdeg ah, maadaama aanay haysan cunto iyo meel ay ku hoydaan.

Sidoo kale, guddoomiyahan ayaa ugu baaqay maamulka gobolka Gedo iyo kan degmada Luuq iney soo caawiyaan qoysaskan.

Goobjoog News