U bood dhigaalka

Qoysas ku go’doonsan duleedka degmada Baardheere oo wabiga Jubba ku fatahay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

BaardheereWararka ka imaanaya degmada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa waxay sheegayaan, in duleedka degmadaasi ay ku go’doonsan yihiin kumanaan qoys ka dib fatahaad uu halkaasi ka sameeyay Wabiga Jubba.

Qaar ka mid ah dadka halkaasi ku sugan ayaa Goobjoog Fm u sheegay in biyo badan ay gudaha u galeen guryahii ay deganaayeen dadkaasi, taa oo xaaladda qatar ka dhigtay.

Biyaha ku fatahay xaafadaha halkaasi ku yaala, waa kuwo aad u xoogan, waxaana jirta halis dhanka caafimaadka ah.

Dhanka kale dhaq dhaqaaqa xaafadaha degmada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa ah mid aad u yar, waxaana dadka sidoo kale ay ka baqanayaan in Biyaha soo fatahaya ay intaasi ka bataan.

Halkaan Hoose Ka dhageyso

Goobjoog News