U bood dhigaalka

Qoysas Sheegay Iney Hantidooda Ku Baaba’day Dagaalladii Ka Dhacay Goofgaduud, Baay

Sheeko:Dalka

Qaar kamid ah qoysaskii kasoo barakacay deegaanka Goofgaduud Shabeellow ee gobolka Baay ayaa sheegay in hanti badan oo ay lahaayeen ay halkaasi ku waayeen, kadib dagaallo kusoo noqnoqday deegaankaasi.

Dadkaan qaarkood oo kusoo barakacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa u sheegay Goobjoog News, in markii dagaallada ay ka bilowdeen deegaankaasi ay kasoo carareen wixii ay hanti lahaayeen.

Maxamed Aadan, wuxuu kamid yahay waxgaradka kasoo barakacay Goofgaduud Shabeelow, wuxuu inoo sheegay in muddo Saddex maalin ah usoo lugeynayeen magaalada Baydhabo, ayna soo mareen dhanka duurka si naftooda uga soo badbaadiyaan dagaalkooda.

Wuxuu sheegay in isaga ari badan uu lahaa uu ku waayay dagaalladaasi, ayna jiraan dad badan oo Dukaamo iyo xarumo kale oo ganacsi ku lahaa deegaankaasi ay kasoo carareen, kadibna la bililiqeystay.

“Annaga rafaad badan ayaan soo marnay, waxaan raadineynay meel aan nafteenna ku badbaadinno, xoolihii aan lahayn waan ka cararnay, meel ay ku dambeeyaanna ma ogin, sidoo kale dukaamadii iyo wax walbo oo hanti ah meeshooda ayaan uga cararnay” ayuu yiri Maxamed Aadan.

Goofgaduud Shabeellow waxaa marar badan oo is xigxigay dagaal kusoo qaaday ciidamada Al-shabaab, waxaana ay la wareegeen halkaas, walow markii ay dambe ay ciidanka Itoobiya ay halkaas dib u qabsadeen, Al-shabaabna laga saaray.

Goobjoog News