U bood dhigaalka

Qoysaskii Ka Barakacay Fatahaadii Baardheere Oo Bilaabay Dib u Dayactirka Guryahooda (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Sawir Qoysas ka cararaya Daadad BaardheereQoysaskii horay uga barakacay Fatahaadii Wabiga Jubba uu ka sameeyay degmada Baardheeree ee gobalka Gedo, islamarkaana dib usoo laabtay ayaa bilaabay Dayactirka Guryahooda.

Daadka ayaa bur buriyay qaar ka mid ah guryaha, waxaana saameynta ugu daran uu ku reebay dadkii ku dhawaa Wabiga.

Cabdulaahi Maxamed Xuseen waxa uu ka mid ah dadkii soo laabtay, isaga oo dib u habeyn ku sameynaya gurigiisa ayuu sheegay in aysan jirin cid gacan siisay.

“Gurigeyga dhinac ciid baan ku shubnay, aniga iyo Sideed caruur ah meesha ayaan joognaa, qoraxdii waa jiilaal oo wey timid, danta waxay keentay in aynu kusoo laabano Guryahii oo sidooda ah, badi dadka ma haystaan wax ay dayactir ku sameeyaan, aniga kista yar ee aan wax ku dayactiranayo waxaan ka helay reerihii oo Baadiye joogay ayaa Neef Geel ah ii soo dhiibay Qeylo dhaan aan u diray ka dib”

Dadka qaar waxay dhex degiin dhobi guryaha dhex taalo, maxaa yeelay ma haystaan qarashka ay wax ku dayactiran lahaayeen.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

 Goobjoog News