U bood dhigaalka

Qoysas Badan Oo Cabsi Dagaal Uga Barakacay Deegaanno Ka Mid Ah Gedo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobalka Gedo ayaa waxay sheegayaan in shacab aad u badan ay ka barakaceen deegaanadii ay gobalkaasi ka deganaayeen, ka dib markii ay u adkeysan waayeen dhowr jeer oo lagu dul dagaallamay.

Tuulada Likooley oo qiyaastii 80-km u jirta degmada Ceel-waaq ee Gedo ayaa lasoo sheegayaa in badi dadkii deganaa ay halkaasi isaga barakaceen, iyaga oo aaday deegaanno kale oo halkaasi ka dhaw.

Qoyasas gaaraya 300 ayaa la sheegay in Tuuladaasi ay ka barakaceen, ka dib markii ay ay u adkeysan waayeen dagaallada inta badan dushooda ka dhaca.

Maxamed Nuur Cismaan oo ka mid ah dadka ku dhaqan Tuuladaasi ayaa sheegay in maalin walba dushooda ay ka dhacayeen dagaallo u dhaxeeya AMISOM iyo Al-shabaab, sidaa darteed ay keentay in dadka ay deegaankaasi ka cararaan.

“Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Kenya ayaa halkaan soo mara, Al-shabaabna nagama dheera, jidka ayeey u galaan, maalin walba dagaal ayaa dhaca, dhibaatada ugu badanna shacabka ayeey soo gaartaa” ayuu yiri Maxamed Nuur.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in dadkii ka barakacay Likooley aanay haysan hoy wanaagsan iyo adeegyada daruuriga u ah nolosha bini’aadamka, sidaa darteed ay dalbanayaan in gurmad lala soo gaaro dadka shacabka ah.

Goobjoog News