U bood dhigaalka

Qoyska Coldoon: Cabdimaalik Lama Sii Deyn

Sheeko:Amniga

Qoyska weriye Cabdimaalik Coldoon ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in uu weli xiran yahay oo aan laga deyn xabsiga.

Mubaarik Coldoon iyo qaar kale oo ka tirsan qoyska ayaa xaqiijiyey in weriye uu weli xiran yahay.

Goobjoog News waxaa ay akhristayaasheeda ka raaligelineysaa xog qaldan oo saacadihii hore nala wadaageen ilo ku sugan Hargeisa taas oo la xiriitay sii deynta Coldoon.

Coldoon oo hadda xiran muddo sanad ka badan ayey labo Maalin kahor codsdeen midowga Yurub in shuruud la’aan lagu sii daayo.

Goobjoog News