U bood dhigaalka

Queen Elizabeth-dda 2-aad oo Noqotay Boqoraddii ugu Waqtiga Dheereed Boqortooyada Ingiriiska

Sheeko:Caalamka

Queen Elizabeth-dda 2-aad ayaa jabisay record hore, kadib markii ay kursiga boqortooyada ku fadhiday 63-sanno iyo 7-bilood.

Boqoradda ayaa ka hor martay  Ayeydeedii Sadexaad oo la oranjiray “Victoria” oo ahayd qofkii horey u haystay Record-kaa ahaydna qofkii ugu badnaa ee kursiga boqortooyada ku fariista.

Queen Elizabeth 2-aad waxey xukunka boqortooyada Ingiriiska  la wareegtay iyadoo jirta 25-sanno.

Boqoradda ayaa sheegtay in aanay doonay inay xaflado waaweyn samayso kadib markii ay record-kaa jabisay,  waxaanay sheegtay in waajibaadkeeda Boqortooyo ay sidii caadiga ahayd u gudanayso iyadoon wax xaflado ah isku diyaarinayn.

Muwaadiniin farabada ayaa iskugu soo baxeen caasimadda Scottish-ka ee  Edinburgh si ay boqoradda ugu soo dhaweeynaa xilli ay boqoraddu ku jirto booqasho ay ku tagayso goobtaa , boqoradda ayaa xariga ka jareysa mashruuc halkaa kusoo gabagaboobay ahaa khad Tareen oo ay ku baxday lacag dhan 294 milyan oo gini.

Ra’isal wasaaraha Ingiiska  David Cameron ayaa bogiisa Twitterka ku sheegay :”Mudadii 63-ka sana ahayd ee lasoo dhaafay , boqoraddu waxay ahayd Tiir Degannaanshaha Adduunka oo isagu isbadal badnaa”.

Waxa uu hadalkiisa u daray Ra’isal wasaaruhu:”waxaa waajib nagu ah inaan xaflado waaweyn sameyno si aan ugu dabaal dagno Record kaa cusub ee ay boqoraddu dhigtay , iyado wadanka ku soo maamushay sharaf iyo deeqsinimo”.