U bood dhigaalka

Qunsuliyadda Soomaaliya Ee Karachi Oo Loo Dhacay, Dadka Laga Kaxeystay

Sheeko:Dalka

Aroornimadii sabtida waxaa lagu waramayaa in todobo(7) nin oo hubeysan ay dhac u geystay Qunsuliyadda Soomaalida ee magaalada Karach, qunsuliyadda waxaa ay ku taalay, Block 5 Clifton ee magaalada Karachi.

Burcadda waxaa ay horay u kaxeysteen 2 shaqaale iyo 2 waardiye ah, waxaa kaloo ay qaateen 4 Laptoo, 4 Mibile iyo hal LCd, CCTV

Soomaaliya iyo Pakistaan waxaa ay March 16, 57 sano oo xiriir diblomaasiyadeed ah, waxaa halkaas Soomaaliya safiir uga ah Khadija Maxamed .

Goobjoog News, waxaa ay xiriiro la sameysay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya si arrinkaas wax looga ogaado, wasaaradda wax jawaab ah nama siin.

Wixii warar ah, kala soco, Goobjoog News