U bood dhigaalka

Qurbajoogta Soomaaliyeed Oo Fikrado Ganacsi Ka Hirgaliyay Dalka

Sheeko:War

Dalka waxaa soo maray xaalado kala duwan kuwaas oo naafeeyay horumar kasta oo uu hiigsan lahaa waxaa bur buray kaabayaashii dhaqaalaha ay ku tiirsanaayeen.

Hadda waxaa jira horumarro ballaaran uu dalka gaaray waxayna iskugu jiraan adeegyada waxbarashada, dhismaha waddooyinka iyo soo nooleynta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Waxaa jira muwaadiniin Soomaaliyeed kuwaas oo in muddo ah ka maqnaa dalka balse waxaa ay ku hamin jireen in ay mar uun tagaan dalkooda hooyo iyaga oo wato fikrado ganacsi oo hal abuur leh .

Waayihii dambe waxaa dalka ku soo badanayay ganacsiga casriga ah kuwaas oo ah fikradaha wax ku oolka ah oo ay la soo laabteen qurba joogta Soomaaliyeed .

ZamZam Cabdi Cali waxaa ay ka mid tahay muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ku noolaa dalka Ingiriiska waxaa ay timid dalka sanad ka hor iyada oo keentay ganacsi gaar ah oo markii hore aan ka jirin dalka .

Goobta ganacsi ee Zamzan ayaa waxay tahay goob dumarka gaar u ah oo lagu gado adeegyada ay isticmaalaan dumarka waxaana ka shaqeeya dad iskugu jira qurba joog qurac joog.

“ Xilligii aan soo noqday waxaan dareemay in dalka ay ku yartahay meelaha lagu qurxiyo dumarka, waxaa go’aansaday in aan soo keeno waxyaabaha dumarka u gaarka ah si aan u caawiyo dumarka ku nool dalka”.

Nasro waa mid ka mid aha maamulayaasha xarun ganacsi oo dhawaan laga hirgaliyay dalka waxaa ay nooga warantay faa’idooyinka ka dhashay fikradaha ay la soo labanayaa qurba joogta.

“ Waxaan sameynaa nuucyada qurxiska kala duwan ee dumarka waxaa jira faa’idooyin badan oo aan ka helnay dalkeenna”.

Qurba joogta ka soo laabaneyso dalka dibaddiisa ma eysan sameyn xarumo ganacsi oo kaliya ee waxaa jira dhanka kale qurbajoog ka soo laabatay dibadda oo ka hirgaliyay goobo waxbarasho oo ku saleysan halbeegga waxbarashada caalama.

Drs. Sacdiyo Siyaad waxaa ay ka mid tahay qurbajoogta dhawaan ku soo laabatay dalka waxayna hirgalisay xarun waxbarasho oo lagu magacaabo Hano Academy waxayna tirir.

“ Hal abuurka ganacsi ayaa dhiiro galinaa waxaana xoogga saarnaa in dadka aan  dhiiro galinno waxaan siinaa tobabarro la xiriira sida uu qofka uu u sameyn lahaa horumar”.

Qurbajoogta Soomaaliyeed ayaa waayihii dambe waxaa ay dalka kula soo laabanayeen fikrado ganacsi oo guuleystay waxaana ka dhashay in dad badan oo shaqo la’aan ku heysay dalka ay ka heleen shaqo abuur.

W/D: Jaamac Cali Shidane