U bood dhigaalka

Qurbejoogta Soomaaliyeed Oo Ballan Qaaday Inay Ka Qeybqaataan Dib u Dhiska Dalka

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah Qurbejoogta Soomaaaliyeed ayaa sheegay inay diyaar u yihiin ka qeybgalka qorshaha dalka dib loogu dhisayo maalin kadib markii magaalada Muqdisho lagu soo gabogabeeyay shirka Qurbejoogta Soomaaliyeed.

Wariyaheena Munasar Maxamed Cabdi oo la kulmay Qurbejoogta qaarkood ayaa waxay u sheegeen in hadda diyaar u yihiin in dalkooda maalgashi ku sameeyaan, kana qeybqaataan dib u dhiska iyo horumarinta dalka.

“Kaalin baan dooneynaa inaan ka qaadanno dib u dhiska iyo horumarka dalka, kaalin baan ka qaadannay haddaba, waxaan wadanka ka hirgelinnay shirkado waaweyn, Hoteello iyo waxyaabo kale oo muhiim ah, wax badan ayaa dalka ka qaban karnaa, wadamada sideenna oo kale burburka usoo gaaray waxaa dib u dhis ku sameeyay Qurbejoogta” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah dadka Qurbejoogta ah oo la hadlay Goobjoog News.

Daahir Sheekh Faarax oo isna ka mid ah Qurbejoogta Soomaaliyeed ee aynu kula kulannay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in muhiim ay tahay in Qurbejoogta mar walbo isku timaado, islamarkaana ka wada tashadaan horumarka dalka.

“Si loo wada shaqeeyo waxay u baahan tahay faham aad u qoto dheer, Qurbejoogta oo dhan waa in mar walbo kulmaan, ka shiraan sidii ay dalkooda u horumarsan lahaayeen una maalgashan lahaayeen” ayuu yiri Daahir.

Maalintii shalay ahayd waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka Qurbejoogta Soomaaliyeed oo looga hadlayey sidii dadka Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool ay dalkooda u maalgashan lahaayeen ugana qeybqaadan lahaayeen dib u dhiskiisa.

Goobjoog News