U bood dhigaalka

Raashiin Gar Gaar ah Oo Maanta Laga Qeybinayo Degmada Buulo-burde Ee Gobalka Hiiraan (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta lagu wadaa in degmada Buulo-burde ee gobalka Hiiraan laga qeybiyo raashiin gar gaar ah, kaa oo dhawaan halkaasi ay si xoog ah ku geeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Raashiinkaan ayaa laga qaaday magaalada Muqdisho, waxaana wadada uu kusii jiray maalmo aad u badan, iyadoo shacabka ku dhaqan degmadaasi ay go’doon ku jireen.

Duqa degmada Buulo-burde Cismaan Geedi Cilmi ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in raashiinkaan oo saaran in ka badan 10 gaari loo qeybin doono shacabka ku dhaqan degmadaasi.

Waxa uu tilmaamay in raashiinkaan xilligaan uu kusoo beegmay ay tahay mid aad u wanaagsan, iyadoo degmada ay ka jirtay dhibaato xoogan, sababtuna ay ahayd in aysan dadku haysan cunto ka dib Al-shabaab markii ay xireen wadooyinkii degmadaasi galaayay.

Xaaladda dadkaasi markii ay ka dartay ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay degmadaasi u dirtay raashiin gar gaar ah, waxaana galbiyay ciidamada xooga dalka oo si awood ah ku furtay wadooyinkii Al-shabaab ay xireen.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News