U bood dhigaalka

Raashiin Gargaar Ah Oo La Gaarsiiyay Degmada Buuloburde Ee Gobalka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Degmada Buuloburde ee gobalka Hiiraan ayaa la gaarsiiyay raashiin gargaar ah, xilli halkaasi dadka ku nool ay yihiin kuwo aad u dhiban.

Hay’adda Cunnada Aduunka WFP ayaa raashiinkaan gaarsiisay degmadaasi, iyadoo adeegsanaysa diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaanno Helicopters.

Diyaaradahaan ayaa la sheegayaa in maalintii Laba jeer ay ka degaan magaalada Baladweyne, waxaana maamulka degmadaasi ay ku wareejiyaan raashiinka, si dadka loogu qeybiyo.

Liibaan Cabdi Burusow oo ah sii hayaha xilka gudoomiyaha Buuloburde ayaa u sheegay Goobjoog News, in raashiinkaan isugu jira nafaqeynta caruurta, Galley iyo Boorash, islamarkaana dhawaan dadka loo qeybin doono.

Waxa uu sheegay Liibaan in WFP ay u sheegtay in 2-kun qof ay quudin doonaan, isaga oo tilmaamay in raashiinka halkaasi la geeyay aanu dabooli karin baahida, balse wax la’aan ay u dhaanto.

Al-shabaab ayaa muddo badan xayiraad ku haya degmada Buuloburde ka dib markii ay xireen wadooyinka gala degmadaasi.

Goobjoog News