U bood dhigaalka

Raashiin Loo Qeybiyey Dad Abaar Ku Haysay Hiiraaan

Sheeko:Dalka

Duqa magaalada Baladweyne Cumar Aadan Deeqow ayaa socdaal ku tagey qaar kamid ah deegaanno u dhaxeeya degmooyinka Maxaas iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaannadii ay kusoo barakaceen qaar kamid ah dadkii kasoo barakacay abaarta ka jirta deegaanno kamid ah gobollada dalka.

Socdaalka duqa Baaladweyne waxaa ku wehlinayey mas’uuliyiin ka kala tirsan maamullada degmooyinka Baladweyne, Matabaan iyo maaamulka gobolka Hiiraan, waxaana deegaannadii ay tageen kamid ahaa, Cowmaad, Madhow, Geel Ku Dhal iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Socdaalka mas’uuliyiintan ayaa ku aadanaa sidii ay u kormeeri lahaayeen xaaladda ay ku sugan yihiin dadka abaartu hayso iyo sidoo kale qeybinta raashiin uu soo dhiibey Xildhibaan Maxamed Xasan Qoono oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya, una soo wakiishay duqa B/weyne.

Raashiinkan oo ka koobnaa Sokor, Saliid, iyo Bariis ayaa waxaa loo qeybiyey 400 oo qoys kuwaasi oo danyar ah, walibana saameyn ku yeelatay abaartii dalka ka jirtay.

Duqa B/weyne, Cumar Aadan Deeqow ayaa sheegay in raashiinkaan wax badan u tari doono dadkii la siiyey, oo intooda badan abaarta kasoo barakaceen, isaga oo u mahadceliyey xildhibaankii raashiinkaasi bixiyey.

Qaar kamid ah dadkii la siiyey raashiinkaasi ayaa uga mahadceliyey maamulka B/weyne iyo xildhibaankii soo dhiibey, waxaana ay xildhibaannada kale ee reer Hiiraan ugu baaqeen in sidan oo kale ay gurmad ugu keenaan.

Khaalid Muxumad Ilka-case

Goobjoog News

B/weyne, Hiiraaan

dsc05051 dsc05058 dsc09102 dsc09103 dsc09119 dsc09130 dsc09141 dsc09183 dsc09196 dsc09228 dsc09230 dsc09231 dsc09233 dsc09234 dsc09236 dsc09237