U bood dhigaalka

Raashiin Loo Qeybiyey Dadkii Ka Barakacay Fataahadda B/weyne

Sheeko:Dalka

Marwada Madaxweynaha dalka Jabuuti Khadra Maxamed Xayd ayaa deeq raashin ah oo ay soo dhiibtay waxaa lasoo gaarsiiyey magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan iyadoo loo qeybiyey in ka badan 2,400 oo qoys kuwaasi oo ku sugnaa deegaanka Ceel Jaalle.

Raashinkan ayaa isugu jiray Bur, Bariis, Sokor iyo saliid, waxaana loo soo wakiishay safiirka Dalka Jabuuti u fadhiya Dayib Dubad Rooble.

Safiirka ayaa sheegay in gargaarkan uu muujinayo sida ay isugu damqanayaan shacabka Jabuuti iyo Soomaaliya.

“Reer Jabuuti iyo reer Soomaali wax kala saarayo malahan, inaan noqonno dadkii ugu horreeyay ee walaalahooda soo gargaara sharaf bay inoo tahay, waxaan u mahadcelinaynaa maamulka gobolka Hiiraan, waxaan horay u qeybinnay maro kaneeco iyo buste” ayuu yiri safiirka.

Dad badan oo ka barakacay xaafadaha magaalada Baladweyne ayaa ku sugan deegaanka Ceel jaalle kadib markii ay ka carareen fatahaadda wabigauu ku sameeyay magaalladaasi.

Goobjoog News