U bood dhigaalka

Raashiin Loo Qeybiyey Qoysas Abaar Ku Haysay Gobolka Nugaal

Sheeko:Dalka

Mid ka mid ah Hay’adaha samafalka ah ee ka howlgala deegaannada maamulka Puntland ayaa raashiin u qeybiyay illaa 400 qoys oo ku sugan deegaan lagu magacaabo Murcanyo ee gobolka Nugaal.

Qoysaskaan ayaa loo qeybiyey raashiin isugu jira Bur, Bariis, Sokor, Saliid, Timir iyo Caano.

Sidoo kale waxaa loo sameeyay biyo dhaamin ay ka qeybqaateen in ka badan 5 booyadood.

Sheekh Cumar Axmed  Sheekh Cismaan oo ah guddoomiyaha hay’adda horumarinta bulshada Tanmaniya ee dadkaan deeqdaan kala duwan gaarsiisay ayaa sheegay in dhammaan dadka raashinkaan la siiyey ahaayeen dadkii ay saameysay abaarta.

Dadkii la siiyey raashiinkan iyo biyaha ayaa aad usoo dhaweeyay, iyaga oo sheegay in muddo badan aanay helin biyo iyo raashiin ku filan.

Deegaannada ay ka arrimiyaan maamullada Puntland iyo Somaliland waxaa ka jirta abaar baahsan oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada.

Goobjoog News