U bood dhigaalka

Rabshado Ay Dad Ku Dhinteen oo Ka Socda Laascaanood

Sheeko:Dalka

Magaalada Laascaanood  waxa ka socda rabshado iyo is rasaasayn  u dhaxaysa ciidamo ka tirsan kuwa  Somaliland ee ku sugan halkaas  iyo dadka deegaanka oo ka soo jeeda falal la sheegay iney  ciidamadu ku kaceen.

Rabshadahan ayaa bilowday ka dib markii magaalada Laascaanood, gaar ahaa, meel ay  ciidamadu ka ag dhawaayeen nin lagu dilay ciidamaduna aaney waxba qabanin ninkii wax dilayna ay iska eegteen wax tallaabo ahna aaney ka qaadin.

Dadkan deegaanka ayaan ku doodaya in ciidamadu wax gacan ah aaney ka geysan  badbaadinta  ninka la dilaayey iyo qabashada kan wax dilay toona,  waxaana isla markiiba bilowday xabad u dhaxaysa labada dhinac  iyo dagaal ku fiday magaalada oo garay illaa  dhinaca boosteejada galbeed ee  magaalada Laascaanood. Dagaalkan ayaa la sheegayaa inuu wali socdo, lamana oga inta waxyeello ah ee uu iska hor imaadkani sababay.

Labo habeen ka hor waxa magaalada Laascaanood lagu dhex dilay sarkaal ka tirsanaa shirkadda Dahabshiil  iyada oo mid kalena lagu dhaawacay mana jirto cid loo qabtay falkaas ka dhacay gudaha magaalada.

Goobjoog News