U bood dhigaalka

Rag Hubeysan Oo Askari Ka Tirsan Dowladda Federaalka Ku Dilay Magaalada B/weyne

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goor dhow rag ku hubeysan Bistoolado ay dileen askari ka tirsanaa dowladda Federaalka Soomaaliya kaasi oo ku sugnaa xaafadda Buundoweyn ee magaaladaasi.

Dilka kadib raggii wax dilay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi gaaray ciidamada dowladda oo wada howlgallo ballaaran.

Waxaa xiran nawaaxiga halka dilka uu ka dhacay, iyadoo ciidamada ay mid mid su’aallo u weydiinayaan dadkii ka dhawaa halkaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News