U bood dhigaalka

Rag Hubeysan Oo Askari Ku Diley Degmada Baardheere, Gedo

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dil habeenkii xalay ahaa degmada Baardheere ee gobolka Gedo loogu geystay askari ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa la sheegay in ay dileen askarigan oo ka tirsanaa ilaalada guddoomiyaha degmada Baardheere, iyaga oo ugu dambeyn goobta isaga baxsaday.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in saakay ay howlgallo ka wadaan degmada Baardheere, iyaga oo baadigoobaya raggii dilkaasi ka dambeeyey.

Xaafadaha qaar ee degmadaasi waxaa lasoo sheegayaa inaanu ka jirin dhaqdhaqaaqii dadweynaha, waxaana magaalada guud ahaan ay tahay mid ciidamo ay isku gadaameen.

Maamulka degmada Baardheere weli wax faah faahin ah kama aaney bixin dilka askariga iyo howlgalladan ay wadaan ciidamada dowladda Federaalka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News