U bood dhigaalka

Rag Hubeysan Oo Dilay Mas’uul Ka Tirsan Maamulka Degmada Baardheere

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in koox hubeysan ay habeenkii xalay ahaa dileen Cabdullaahi Cabdi Aadan oo ahaa madaxii canshuurta ee degmadaasi.

Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa la sheegay inay dileen mas’uulkaasi xilli uu ku wajahnaa hoygiisa.

Dilka ka dib ayaa la sheegay in goobtaasi ay ka baxsadeen raggii wax dilay, waxaana sidoo kale halkaasi gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka oo weli howlgallo wada.

Goobjoog News oo xiriir la sameysay maamulka degmada Baardheere iyo saraakiisha ciidanka degmadaasi ayaan suurta galin si aynu wax badan uga weydiinno dilkaasi dhacay iyo hadii ay jiraan dad ay usoo qabteen.

Dilalka qorsheysan iyo qaraxyo ayaa marar badan waxay kusoo laabteen  degmada Baardheere.

24-kii July 2015 ayeey ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM waxay Al-shabaab kala wareegeen degmada Baardheere, welina amniga degmadaasi isbedal weyn kama jiro.

Goobjoog News