U bood dhigaalka

Rag Hubeysan Oo Haweeney Ku Dilay Degmada Dharkeenley Ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Dabley hubeysan ayaa degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir waxay ku weerareen Labo gabdhood oo walaalo ah kuwaasi oo la socday Mooto Bajaaj.

Dableyda wax weerartay ayaa la sheegay in ay saarnaayeen Mooto Laba lugood ah, islamarkaana markii ay kusoo dhawaadeen Baajaajta billaabay furista rasaasta.

Mid ka mid ah gabdhahan oo lagu magacaabayey Fowsiya Jamaal Xasan Hilowle ayaa ku geeriyootay weerarkaasi, waxaana ku dhaawacmay Shankaroon Jamaal Xasan Hilowle iyo sidoo kale darawalkii waday Mooto Bajaajta.

Fowsiya Jamaal ayaa ahayd hooyo ay u joogeen Seddax Caruur ah, waxaana xilliga la weerarayey la sheegay in ay kasoo baxeen hoygooda.

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Cabdifitaax Xalane oo la hadlay Idaacadda Goobjoog waxa uu sheegay in gabdhahan ay ahaayeen arday u socotay xaruntooda waxbarasho.

Waxa uu sheegay Afhayeen Xalane in weerarkaasi ay ka dambeeyaan Xarakada Al-shabaab, waxaana uu tilmaamay in la wado baaritaanno weerarkaasi la xiriira.

Dilalka qorsheysan ayaa kusoo batay magaalada Muqdisho, waxaana habeenkii xalay ahaa degmada Hodon lagu dilay Haweeney da ah oo ka tirsanayd ururuka haweenka degmadaasi.

Goobjoog News