U bood dhigaalka

Rag Hubeysan Oo Ka Dhex Dagaallamaya Hoteelka Naasa Hablood 2 Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Rag hubeysan oo la sheegay iney ka tirsan yihiin Al-shabaab ayaa ka dhex dagaallamaya Hoteelka Naasa Hablood 2 ee magaalada Muqdisho.

 

Ciidamada dowladda ayaa wada howlgal ballaaran oo ay ku doonayaan iney kusoo af jaraan raggan dagaallamaya, iyadoo rasaas iyo Bambooyin la maqlayo.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaan ayaa sheegaya in Saddax qof ay ka dhex dagaallamayaan Hoteelka Naasa Hablood 2 ee magaalada Muqdisho.

Gaari loo adeegsaday walaxaha qarxa ayuu ku bilowday weerarkaan, waxaana waxyeellada ugu badan ay soo gaartay dad shacab ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah

Goobjoog News