U bood dhigaalka

Rag Hubeysan Oo Magaalada Gaalkacyo Ku Dilay Mudane Ka Tirsan Golaha Deegaanka Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Rag Hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ku dileen mudane ka tiarsanaa golaha deegaanka magaaladaasi ee dhanka Puntland.

Mudanaha la dilay ayaa lagu magacaabaa Saciid Xayle, waxaana lagu dilay xaafadda Garsoor ee Gaalkacyo xilli la sheegay in masjidka uu kasoo baxay.

Ragga wax dilay oo ku hubeysnaa bistoolado ayaa la xaqiijiyey in dilka kadib ay halkaasi ka baxsadeen.

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa xalay illaa iyo saakay waxay howlgallo ka wadaan xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhanka Puntland waxaa bishan Ramadan gudaheeda lagu dilay Saddex ruux mana jirto ciidanka Puntland cid ay dilalkaasi usoo qabteen.

Goobjoog News