U bood dhigaalka

Rag Hubeysan Oo Odayaal Dhaqameed Ku Dilay Gobalka Galgaduud

Sheeko:Dalka

Rag hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in rasaas ay ku fureen gaari ay la socdeen Odayaal dhaqameed kusii jeeday degmada Balanballe ee gobalka Galgaduud, halkaasi oo ka dhalatay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Inta la xaqiijiyay Seddax qof oo ka mid ah Odayaashan ayaa la sheegay in ay ku geeriyoodeen rasaastaasi, iyadoo aan lasoo sheegin dhaawac halkaasi ka dhashay.

Wariyaha Goobjoog News ee gobalka Galgaduud Maxamed C/weli Tooxow ayaa soo sheegaya in waxgaradkani ay ka baxeen degmada Guriceel,  waxaana dableyda hubeysan ay u galeen meel ku dhaw degmada Balanbal.

Qaar ka mid ah dadkii saarnaa gawaarida rasaasta lagu furay ayaa u xaqiijiyay wariyaheena geerida Seddaxdaasi Oday dhaqameed, inkastoo weli magacyadooda aan lasoo sheegin.

Maamulka Galmudug iyo midka Ahlu-sunna Waljameeca weli wax war ah kama aanay soo saarin falkaan maanta ka dhacay gobalka Galgaduud.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News