U bood dhigaalka

Rag Hubeysan Oo Qof Shacab Ah Ku Dilay Duleedka Magaalada B/weyne

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan gaar ahaan galbeedka magaalada Baladweyne ayaa waxay sheegayaan in halkaasi lagu dilay qof shacab ah.

Rag hubeysan ayaa qofkan shacabka ah ku dilay deegaan qiyaastii 20-km u jira magaalada B/weyne, iyadoo ragga wax dilay ay goobta ka baxsadeen.

Waxaa la sheegay in ragga dilka geystay ay qofkaasi shacabka u dileen arrimo la xiriira aano qabiil.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa magaalada B/weyne iyo deegaanno ku dhow magaaladaasi ka jirtay xiisad dagaal oo u dhaxeysa beello halkaasi wada deggan.

Gobollada dalka qaarkood waxaa maalmahan dambe kusoo cusboonaaday dagaallada la xiriira aanooyinka qabiil kuwaasi oo gaallaaaftay nolosha dad shacab ah oo Soomaaaliyeed.

Goobjoog News