U bood dhigaalka

Rag Hubeysan Oo Wiil Dhallinyaro Ah Ku Dilay Magaalada Marka

Sheeko:Dalka

Rag Hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabellaha Hoose ku dileen wiil dhallinyaro ah, iyaga oo sidoo kale dhaawacay ruux kale.

Qof ku sugan magaalada Marka ayaa u sheegay Goobjoog News, in falkani uu ka dhacay xaafadda lagu magacaabo Baytu-raas, waxaana ay adeegsadeen Bitoolado, iyaga oo dilka ka dib baxsaday.

Ruuxa dhaawacmay ayaa lagu daweynayaa Isbitaalka magaalada Marka, waxaana laga deyrinayaa xaaladdiisa caafimaad.

Goobta dilka uu ka dhacay waxaa gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, in kastoo aanay jirin howlgallo ay sameeyeen.

Dilalka sidaan oo kale ah waxay kusoo laab laabteen magaalada Marka, iyadoo mararka qaarna magaaladaasi ay ka dhacaan qaraxyo iyo falal kale oo amni xumi ah.

Goobjoog News