U bood dhigaalka

Rag Ku Labisan Dareeska Ciidanka Dowladda Oo Dhac u Geystay Xarunta Dahabshiil Ee Marka

Sheeko:Dalka

Rag ku labisan dareeska ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in maanta ay dhac u geysteen xarunta Xawaaladda Dahabshiil ay ku leedahay magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabellaha Hoose.

Mid ka mid ah ganacsatada magaaladaasi ayaa u sheegay Goobjoog News in raggaan oo hubeysan ay markii hore xawaaladda ku galeen qaab baaritaan ahaan ah, hase ahaatee ay markii dambe dhaceen lacag halkaasi taallay oo weli aan la shaacin inta ay ahayd tiro ahaan.

“Ciidan Milatari ah ayaa maanta dhacay xaruntii Dahabshiil ee magaalada Marka, gudaha ayeey u galeen Xawaaladda iyaga oo dhowr askari ah, kadib waxay halkaasi kasoo qaateen lacago yaallay” ayuu yiri Goob joogaha oo magaciisa ka gaabsaday.

Sidoo kale Goobjoogahan ayaa inoo sheegay in dhaq dhaqaaqii ganacsiga ee magaalada Marka uu hakad ku jiro ayna xiran yihiin inta badan xarumihii ganacsiga kadib casbi soo wajahday ganacsatada.

Maamulka magaalada Marka iyo kan gobolka Shabellaha Hoose ayaa xiriir aynu la sameynay ayaan inoo suurta gelin si aynu arrintaan wax badan uga weydiinno.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News