U bood dhigaalka

Rag Kufsi Ka Geystey Galgaduud oo Lagu Wareejiyey Dambi Baarista

Sheeko:Dalka

Xeer Illaaliyaha Guud ayaa ka hadlay rag dhawr ah oo la sheegey in falal kufsi ah ka geysteen gobolka Galgaduud, kuwaasi oo lagu wareejiyey gacanta ciidamada dambi baarista dowladda.

Xeer Illaaliyaha Dr. Axmed Daahir ayaa u digey dadka geysta falalkaasi oo kale, wuxuuna yiri “waxaan u sheegaynaa oon rabnaa inaan u digno dhammaan qofkasta oo is leh  hadaad dambi gaysato qabiilkaaga ayaa ku ilaalinaaya ama koox diimeed meel kugu xiratay ayaa ku ilaalinaya waxaan leeyahay gacanta dowladda iyo gacanta sharciga aadan ka waynay  oo uu ku qabanayo mooryaantaas jidkooyooyinka dhigtay waxa ay ku mar-marsiyoodeen in qabiil ay u shaqaynayeen”.

Waa markii koowaad bilihii dhawaa dad loosoo qabto fal ceynkan oo kale ah.

Goobjoog News