U bood dhigaalka

Rag La Sheegay Iney Ka Tirsan Yihiin Al-shabaab Oo Lagu Qabtay Baydhabo

Sheeko:Amniga

Ciidamada Booliiska ee magaalada Baydhabo ayaa gacanta ku dhigay Labo nin oo la sheegay iney ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab.

Raggan qabashadooda waxaa ka dambeeyey sida la sheegay nin ay horey ugu dhaawaceen magaalada Muqdisho balse dhimasho ahaan ay uga tageen.

Ninkii oo Baydhabo amni ahaan u tagay ayaa la sheegay in hajabaad dhanka taleefanka ah uu maalmahan dambe la kulmayey, hase ahaatee xalay isaga oo suuqa dhex socda ay si lama filaan ah isku arkeen Labadii nin.

Waxa uu u qeylo qaaday ciidankii goobta joogay, sidaasi ayaa lagu qabtay, balse wax hub ah raggan ma aanay wadan markii la qabanayey.

Saraakiisha Booliiska Baydhabo ayaa sheegay in baaritaan lagu sameyn doono waxa ka jira in raggan yihiin Al-shabaab, waliba kuwa wax dila.

Maalmahan dambe aad baa loo adkeeyey ammaanka guud ee magaalada Baydhabo, maadaama lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadan.

Goobjoog News